Soomaliya wax tirakoob ah lagama qaban ku dhawaad 50 sano. Tirakoobka keliya ee lagu guulaystay ee dadka iyo guryaynta waxaa la sameeyay sanadkii 1975, taas oo soo saartay natiijooyin kooban. Tirakoobka dadka iyo guryaha ee labaad waxaa la sameeyay 1986, laakiin natiijadeeda lama sii dayn.

Qabashada Tiro-koobka Soomaaliya waxa ay udub-dhexaad u tahay hirgelinta nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod ah taas oo dib u soo celinaysa doorashada dimuqraadiga ah ee dalka , waxay ayna horseedi doonta dhismaha dowladnimada iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka sida wax qaybsiga ilaha dhaqaalaha dawladda iyo go’aaminta heerarka maalgelinta ee barnaamijyada muhiimka ah sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo daryeelka bulshada. waxa ay sidoo kale kaalin mug leh ka qaadan doontaa dadaaladda socda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka dastuurka dalka iyo dimuqraadiyeynta.

Tirakoobka dadka iyo guryuhu waa hawl balaadhan oo ay fulinayaan xirfadlayaal u tababaran kuwaas oo xog ururin ka samayn doona dalka oo dhan, isla markaana samayn doona booqashooyin guri iyo shaqsi ah. Xogta laga helo tirakoobka dadweynaha ayaa kaalin wayn ka cayaari doona in si fudud loo ogaado inta qof ee ku nool dalka, da’dooda, jinsiga, iyo qoondaynta kuraasta baarlamaanka la dooran doono ee heer maamul-goboleed iyo heer federaal labadaba, iyo sidoo kale qaybsiga khayraadka dalka.

Tirokoobku waxaa laga dhaxlayaa khariidad dhammaystiran oo dalka oo dhan ah taasoo tusaysa dhammaan aagagga la degi karo, sida magaalooyinka waaweyn, tuulooyinka, dhulka baadiyaha iyo dhulka la beeran karo. Wuxuu tusayaa khariidada heerka ugu hooseeya ee tuulada, aagagga tirinta iyo qoysaska. Khariidadaa waxaa loo isticmaali doonaa qaabka tirakoobka iyo qabashada sahannada qoyska. Xogtan ayaa faa’iido u leh qorsheynta heerka hoose iyo sidoo kale calaamadaynta xuduudaha maamulka si loo fududeeyo qorshe horumarineed hufan oo dalka ah.

Sidaas darteed, dowladda Soomaaliya waxay ku dhiirigelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay si firfircoon uga qayb qaataan tirakoobka maadaama ay lagama maarmaan tahay in la helo xog dhab ah, lana hubiyo in codkooda la maqlo marka la qorsheynayo siyaasadaha iyo barnaamijyada dowladda. Dhammaan macluumaadka la ururiyo inta lagu jiro tirakoobka, waxaa loo isticmaali doonaa kaliya ujeedooyin tirakoob lamana faafin doono. Dawladdu waxay u xaqiijinaysaa umadda Soomaaliyeed in sirtooda la ilaalin doono, oo aan xog shakhsi ah lala wadaagi doonin shaqsi kale ama urur.

Tira koobka dadka iyo guryaha waxaa si rasmi ah u daah-furi doona Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana ka soo qeyb galaya madax ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale saaxiibada caalamiga ah.